Mas’uuliyiin ka tirsan Puntalnd oo kormeeray Bandawgii lagu soo rogay Puntalnd

0
300

Garowe(Idaacadda Waamo)Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland, oo ay weheliyaan maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, ayaa xalay kormeer ku sameeyay dhammaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Boosaaso, si ay ugu kuur-galaan dhaqan-gelinta bandowgii ay soo rogtay dowladda Puntland.

Mas’uuliyiinta oo kormeerkaas kadib warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in uu sidii la rabay u fulay bandowga ay xilliyada Habeenkii ah soo rogtay xukuumadda Puntland, si looga hortago faafidda xanuunka Coronavirus.

Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo faahfaahin ka bixiyay kormeerka mas’uuliyiinta, ayaa sheegay in dadweynaha Boosaaso ay buuxda u dhaqan-geliyeen bandowgii xukuumaddu soo rogtay, islamarkaana aysan jirin cid khilaaftay awaamiirta dowladda.

Taliyaha ayaa xusay, in mudadii ay kormeerka ku jireen ay soo arkeen oo keliya ciidanka Amniga oo shaqadiisa gudanaya, kuwaas oo sugaya Amniga magaalada, balse aysan cid kale ku arag jidadka iyo waddooyinka.

Sidoo kale, dhammaan magaalooyinka kale ee Puntland ayuu xalay ka dhaqan-galay bandowga ay soo rogtay xukuumadda Puntland, kaas oo socon doona mudda laba todobaad ah, si looga hortago faafidda cudurka Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here