Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay inaan la Hakinin Adeegyada Quutul Daruuriga ah

0
320

Muqdisho(Idaacada Waamo)Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aan la hakinin waxyaabaha lagamamaarmaanka u ah Biniaadamka sida qutul daruuriga ah.

Maareeyaha Hey’adda Duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan oo goor dhaw la hadalay Warnaahinta Qaranka ayaa sheegay in duulismaadyada la hakiyay ee gudaha dalka kaliya ay yihiin tan Rakaabka dadweynaha, balse aysan ka ku jiran alaabada qutul daruuriga sida raashinka ,daawada, qalabka baabuurta iyo waxii la mid ah oo dadweyanaha aysanka ka maarmin.

Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliyeed iyadoo u tureysa shacabka ay ku dadaaleyso in culeys farabadan aysan la kulmin hase ahaatee ay u digeyso dadka ka been abuurana u sheegtay warar aan xaqiiqda ku saleeysneen inay ka waantoobaan.

Axmed Macalin Macalin Maareeyaha Hey’adda duulista rayidka waxaa kaloo uu intaa ku daray in alaabaha dibada ka yimaada sida raashinta, daawada iyo waxa la mid ah ay u fasaxan yihiin in dalka la keeno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here