Qalabka ka hor taga COVID-19 oo lagu wareejiyay Qaar ka mid ah Dowlad Gobaleedyada

0
355

Muqdisho(Idaacada Waamo)Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa maanta ku wareejisay qalab loogu talo galay ka hortaga Cudurka COVID19 Maamulka Gobolka Banaadir, dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, kaasi ah qalabka ayuu Dawladda Soomaaliya ugu deeqay Maalqabeenka reer Shiine ee Jack Ma Foundation.

Dowladdu waxay sidoo kale Maalinta berri ah ay qalab kuwaan la mid ah ku wareejin doontaa Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle.

Arrintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay Wasiirada Caafimaadka dowladda dhexe , kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka banaadir ay magaalada muqdisho ku yeesheen kulan looga hadlayay sidii wadajir looga hartagi lahaa caabuqaan saameynta xooggan ku yeeshay Caalamka oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here