Magaalada Kismaayo oo Laga Dareemayo Koboc iyo isbadal Dhanka Waxbarshada

0
562

Kismaayo(Waamo Radio)kadib Burburkii Dowladii Dhexe ee Dalka waxaa Saaxada ka baxay Xarumihii wax Barasho ee ay Dowladu Gacanta  Ku Haysay Waxaana Mudadaas dalkeena ka Jiray Goobo waxbarasho oo Gaar loo leeyay kuwaas oo ka Hawl gala Dhammaan dalkeena Soomaaliya.

Hadaba Sanadihii ugu Dambeeyay waxaa ay Dawladu ku Tallaabsatay isbadal Dhanka  Waxbarashada ah Waxaana  Dalkeena Soomaaliya Laga Dareemayaa ibadal Guud oo Dhanka Waxbarashada ah Jubbaland oo Ka Qayb Qaadanaysa isbadalka iyo Soo Kabashada Dawladnimo ee ka Hana Qaaday dalkeena ayaa waxa ay ku Tallaabsatay Horumar dhanka waxbarashada Kadib Markii Magaalada amnigeedu Noqday Mid la isku Halayn Karo waxaana Magaalada Kismaayo ka jira Ku Dhawaad 5 Jaamacadood,Macaahid ,iyo Waliba IskuuloTiro badan oo isugu jira Kuwo Sare, dhexe, iyo Hoose,

Iskuulo  Waxaa Jira lacag la’aan lagu Dhigto oo ay ka Faa’iidaystaan dad badan oo dan yar ah iyo waliba kuwo dib uga Soo laabtay Xeryaha Qoxootiyada Dalalka aan dariska Nahay oo ay Hir galisay Maamushana Dowlad Goboleedka Jubbaland Gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland

Ibraahin Cabdulaahi Guhaad Waa Maamulaha schoolka Badar oo ay Sitoos ah Gacanta ugu Hayso Wasaaradda waxbarashada Jubbaland Waxaana Wax ka barata arday kor u Dhaafaysa 800 oo arday oo isugu jira dadkii kasoo Laabtay Xeryaha Qoxootiga dalalka aan dariska Nahay iyo kuwo danyar ah Hadaba Maamulaha ayaa ka waxbiyay schoolkan iyo Qaabka uu u Shaqeeyo

Sidoo kale waxaa Jira Jaamacado Magaalada Kismaayo oo Waxbarasho Bilaash ah siiya Qaar ka mid ah ardayda ka Qalin jabisa dugsiyada Sare ee Magaalada Waxa ayna Tani Qayb ka tahay Nabada iyo Hanaanka Dowladnimo ee soo Hagaagaya ,Jaamacada Plasma ayaa ka mid ah jamacadaha Deeqaha waxbarasho siiya Ardayda.

Mukhtaar Cabdi Cabdulaahi Waa Agaasimaha Dugsiyada ee Wasaaradda wax Barashada Jubbaland Waxa uu ka warbixiyay Koboca waxbarashada Deegaanada Jubbaland iyo iskuulo ay si Gaar ah wasaaradu Gacanta ugu Hayso.

Sanadba Sanadka kasii Dambeeya Waxaa soo Kabanaya Hanaanka Dowlad Nimo ee dalkeena Waxaana lagu Rajo wayn yahay in Wakhti Dhaw Dhammaan Hay’adihii kala Duwanaa ee dalkeenu Soo laaban Doonaan ,Waxbarashadu waxa ay ka mid tahay Waxyaabaha Keeni kara isbadalka ugu dhaw ee uu dalku ku Tallaabsan karo Ummad walba oo Meel gaadhana waa Ummad waxbaratay.

waxaa warbixintaan inoo diyaariyay Shukri Adan Sayid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here