Puntland oo Gacanta ku Dhigtay Khamri iyo Dadkii Watay

0
287

Boosaaso(Idaacada Waamo)Ciidanka Booliska Gobalka Bari Puntland oo ay Wehlinayeen Ciidamada PMPF iyo Madaxtooyada ayaa Warbaahinta u soo Bandhigay Guri kamid ah Xafadaha Magalada Boosaaso oo lagu Qarinayay Khamri tiro badan iyo dadkii ka Ganacsanayey.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo Faahfahin ka bixiyay Khamrigaan ayaa sheegay in uu Dhanyahay in ka Badan 10,000 kun oo Caag,kuwaas oo dadka qaarkood isticmaalayeen halka qaarkood ay ka Ganacsanayeen.

Sidoo kale Taliyaha oo sii hadlayay ayaa waxaa uu digniin u direy dadka ka Ganacsada Maandooriyaha Khamriga iyo dadka ka Ganacsanaya,waxaana uu sheegay in qofkii lagu qabto tallaabo laga qaadi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here