Fernando Torres oo Soo Xushay Shaxdiisa ugu Fiican Xidigihii uu Kasoo Garab Ciyaaray.

0
325

Kismaayo(Idaacada Waamo) Xidiga Fernando Torres ayaa Soo Xushay Shaxdii ugu Fiicnayd ee uu Kasoo Garab Ciyaaray Xirfadiisa Ciyaareed isaga oo Soo Xushay Xiddigo 11 ah oo Kamid ah Xiddigihii uu Kasoo Ciyaaray Hadii ay Tahay Xulka Qarankiisa Spain iyo Kooxihii uu usoo Ciyaaray.

Xiddigaha Javier Mascherano, Steven Gerrard, Xabi Alonso oo uu Kaga Soo Garab Ciyaaray Kooxda Liverpool Halka uu Doortay Xidiga John Terry oo uu Kaga Soo Garab Ciyaaray Kooxda Chelsea.

Fernando Torres ayaa Ciyaaraha Ka Fariistay Sanadkii 2019 Waxaana uu Haatan Gaaray 35 Jir isaga oo 110 Kulan usoo Ciyaaray Xulka Qarankiisa Spain isaga oo Koobab Badan Kula Guulaystay Xirfadiisa Kubadeed .

Shaxda Torres ee ugu fiican xidigihii uu ka soo garab ciyaaray :-

Oblak, Puyol, Terry, Godin, Alonso, Mascherano, Xavi, Iniesta, Gerrard, Villa, Torres

Dhammaan Xidigahaan ayey Isaga Soo Garab Ciyaareen Heer Kooxeed iyo Heer Qarameed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here