Kooxaha Atlanta Iyo Leipzig Oo Iska Xaadiriyey Wareegga 8-da Champion-ka , Tottenham Iyo Valencia Ayayna Reebeen

0
293

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxaha Leipzig iyo Atlanta ayaa Noqday Kooxihii ugu Horeeyay ee iska Xaadiriyay Wareegga 8 Dhammaadka UEFA Champions League Kadib Markii Si Qurux badan ugu Soo Gudbeen oo ay Guuldaro Badeen Kooxaha Tottenham iyo Valencia

Kooxda Reer England ee Tottenham ayaa Guuldaro Waji Gabax ah Kala Baxday Tartanka yurub ee Champions League oo ay Sanadkii Hore Finalkiisa Gaareen Waxaana Xalay Lugta Labaad Looga Badiyay Saddex Gool oo Nadiif ah Xilli isu Geynta Wadarta Labadii is arag ay Noqoneyso 4 Gool oo Nadiif ah.

Kooxda Tottenham  Ma Jirrin Wax Fursad ay Soo Bandhigeen Kulankaan Waxaana Ku adkeed in Si Sax ah ay u Gaaraan Goosha Kooxda RB Leipzig Wax ayna Guuldaradaasi Cadaadis Saareysaa Mustaqbalka Tababare Jose Mourinho .

Kooxda Reer Germany ee RB Leipzig Waxa ay Soo Bandhigeen Ciyaar Qurux badan oo Dhanka Farsamadeeda aad u Sareysay Waliba Si Weyn ayay ugu Qalmeen Guushaas ay Ka Gaareen Kooxda Tottenham H.

Katbtan Marcel Sabitzer ayey Xalay eheyd Habeenkiisu Wuxuuna Wacdaro ku Dhigey Kooxda uu Hogaamiyo Tababare Jose ee Tottenham ,Sabitzer  Wuxuu ahaa Xidiga Garoonka Kulankii Xaley Wuxuu Dhaliyey 2 Gool.
Image

Dhanka Kale Kulantii Dhexmaray Kooxaha Atlanta iyo Valencia ayaa ahaa Kulan Xiiso Badan oo Walibo Goolal Fara badan La Iska Dhliyey 4- Gool Waxaa Dhalisay Kooxda Atlanta Halka Kooxda Valencia  ay Heshay 2 Gool .

Kooxda Atlanta ayaa Iyadana  Garaacday Kooxda Reer Spain ee Valencia Kulankaasi ayaa wuxuu Ku Dhamaadey 4/2 Wax ayna Guud ahaan Wadarta Labada Kulan isku Noqoneysaa 8/4 oo ay Sidaasi Ku Hartay Kooxda Valencia

Josip Ilicic wuxuu ahaa Xidiga Wacdaraha ka Dhigey Kulankii Xalay ee Atlanta iyo Valancia  Xidiga ayaa wuxuu Dhaliyey 4-gool Labo Kamid ah Waxay ahaayeen Gool Kulaad ama Rigooro , Xidiga Garoonka ayaana La Gudoonsiiyey.
Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here