Dad shuban ugu geeriyooday Magaalada Jowhar

0
373

Jowhar(Idaacada Waamo)Dhaqaatiirta magaalada Jowhar ayaa weli la tacaalaya dadka uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka oo horraantii bishii hore ka dilaacay deegaanno badan oo hoos yimaada magaalada Jowhar ee Xarunta DG HirShabeelle.

Tan iyo markii uu bilowday xanuunkan ilaa maanta guud ahaan waxa Cisbitalka weyn ee Magaalada Jowhar la keenay sida ay Sheegeen dhaqaatiirta 272 qofood oo xanuunkan uu soo ritay 95 ka mid ah waxa Cisbitalka la geeyay bishan Marso halka 177da kalana ay ahayeen bishii hore ee February.

Cisbitalka waxa uu diiwangiliyay dhimasha 4 qof oo isugu jira caruur iyo dad waaweyn, kuwaas oo 3 ka mid ah ay dhinteen bishii hore halka qofka kalana uu afar maalin ka hor dhintay dhaqaatiirta cisbitalka ayaa aad ula tacaalay dadka, taas keentay in hada dad badan ay ka bogsadaan xanuunkan.

Waxaa hada jiifa isbitalka gaar ahaan qeybta CTC-da ee la jiifiyo bukaanada uu hayo cudurka Shuban biyoodka ilaa iyo 18 qofood waxaana qaarkood laga keenay xaafadaha magaalada Jowhar.

Dadka ugu badan ee uu xanuunkan soo ritay ayaa laga keenay tuulooyinka Banaaney, Timire iyo Maandheere waxaa sidoo kale jira dad laga keenay Tuuloyin Hoos taga Degamada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe dhamaan afarta Xaafadood ee ay ka Koobantahay Magaalada Jowhar ayaa iyagana laga keenay dad uu soo ritay Xanuunkan.

Dr,Saciid Faarax oo ka mid ah dhaqaatiirta isbitaalka Jowhar ayaa ugu baaqay bulshada iney ka taxadaraan caafimaadkooda oo ay ceelasha lagu Shubo maadada Kalooriinta iyo in ay cuntada si fiican isaga kariyaan iyo iney dhowraan nadaafada Deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here