RW Kheyre oo xariga ka jaray Garoonka diyaaradaha Baraawe

0
282

Baraawe(Idaacada Waamo)Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay gaareen degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose,iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyey.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed & mas’uuliyiinta maamulka degmada,iyada oo ammaanka siweyn Maanta loo adkeeyey.

Soo dhaweyn kadib Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa uu xariga ka jaray Garoonka Diyaaradaha Baraawe,kaas o dib u dhis ballaaran lagu sameeyey.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa,Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya,kuwa Maamulka Koonfur Galbeed iyo Wafdi ka socda Midowga Yurub oo dib u dhis ku sameeyey Garoonka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here