Xaalad Biyo la’aan ah oo kataagan degaano ka tirsan gobolka Galgaduud

0
498

Kismaayo(Waamo Radio)-Wararka aan ka heleeyno  gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in deegaano dhowr ah oo katirsan gobolkaa ay kataagan tahay xaalad biyo la’aan oo sameysay dadka iyo duunyada kunool.

degaanada ay biyo la,aantu sida weyn uga jirto  waxaa kamid ah degaanada hagoogan iyo qanrar oo hoos taga degmada dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud waxaana ay gaartay qiimaga fuustada biyaha lacag udhaxeysa 3 Doollar ilaa shan doolar, dad badan oo kamid ah dadka ayaan awoodin in ay iibsadaan biyahaan sida ay warbaahinta usheegen qaar kamid odayaasha degaanadaas.

dadka degaanada biyo la,aantu ka jirto kunool waa xoola dhaqato  waxaana ay codsanayaan in gacan gar gaar loo fidiyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here