Juventus Oo Guul Ka Gaartay Kooxda Inter Milan Kadibna La Wareegtay Hogaanka Serie A-da

0
301

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxda Juventus ayaa Guul Ka Gaartay Kooxda Inter Milan Kulan Ka Tirsanaa Todobaadkii 26-aad ee Horyaalka Serie A-da Kana Dhacay Garoonka Kooxda Juventus ee Allianz Stadium.

Kulanka ayay Labada Kooxood Kusoo Galeen iyada oo aanay Garoonka Wax Taageerayaal ah Daawanayn Ciyaarta Sabab La Xiriira Cudurka Coronavirus Kaas oo Si Xoogan ugu Faafay Wadanka Talyaaniga.

Labada Kooxood ayaa ku bilowday ciyaarta si dagan iyada oo Juventus maamulayso ciyaarta kana fiicantahay kooxda Inter Milan kuwaas oo u muuqday kuwo la maqnaa taageerayaashooda.

Kooxda Juventus ayaa ahayd kooxda samaynaysay fursadaha sidoo kale maamulayay ciyaarta xilli ay Daafacyada Juventus ay xakameeyeen weeraryahanada kooxda kasoo horjeedo ee Inter Milan.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay gool la’aan inkasta oo ay labada kooxoodba heleen fursado yar-yar oo goolal laga dhalin karo.

Juventus ayaa qaybtii dambe ku soo gashay si aad uga duwan qaybtii hore iyaga oo Inter saarayay cadaadis xoogan ayey saareen kooxda inter milan cadaadiskaas oo ay ku doonayaan iney goolal ku dhaliyaan.

Daqiiqadii 55-aad ayay Juventus heshay wixii ay doonaysay oo ahaa goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Aaron Ramsey kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa waxaana ka caawiyey Xidiga C. ronaldo .

Daqiiqadii 67-aad ayay Juventus heshay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Paulo Dybala kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Juventus sidaas ku gaadhay guul ka caawisay in ay dib ula wareegto hogaanka horyaalka Serie A-da iyaga oo hal dhibic kaga haya kooxda Lazio.Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here