RASMI :- Isku Aadka 8 Dhamaadka FA Cup-ka Oo Lasoo Saaray.

0
303

Kismaayo(Idaacada Waamo) Waxa Si Rasmi ah Loosoo Saaray isku aadka Wareega 8 Dhamaadka Tartanka Koobka FA Cup-ka Dalka England Kadib Markii ay Wada Ciyaareen Dhamaan Kooxaha Wareegan Marka Laga Reebo Man United oo Caawa Ciyaari Doonta.

Kooxda Man United ayaa La Ciyaari Doonta Kooxda Derby County Kulanka oo Dhici Doona Saacada Markey tahay 10:45 Waxayna Ka Dhici Doontaa Garoonka Kooxda Derby County ee Pride Park.

Kulamada 8 Dhamaadka Tartanka FA Cup-ka ayaa Kulamada Hore La Ciyaari Doonaa 21 Bishan Haatan Lagu Jiro ee March Halka Kulamada Kale La Ciyaari Doono 22 Bisha oo ah maalinta ku xigta.

Maalmaha La Ciyaari Doono Kulamada ayaa Ku Beegmi Doona Sabti iyo Axada iyada oo Kooxaha 8-da ah ee isku Soo Haray u Tartami Doonaan in ay iska Xaadiriyaan Semi-Finalka.

Isku aadka ayay Kasoo Baxeen Kulamo Xiiso Leh oo La Sugi Doono ishana Lagu Hayn Doono Marka La Ciyaari Doono.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Isku Aadka Oo dhamaystiran:

Leicester City Vs Chelsea
Tottenham Ama Norwich Vs Derby Ama Man United
Newcastole Vs Man City
Sheffield United Vs ArsenalImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here