Kiiskii ugu horeeyay ee Cudurka Coronovirus oo Nigeria laga helay

0
288

Abuja-(Idaacadda Waamo)- Masuuliyiinta Dalka Nigeria ayaa sheegay in laga helay Cudurka Coronavirus nin u dhashay dalka Talyaaniga, kaasoo ka safray magaalada Lagos kunasii jeeday goob kale ka hor inta aan la geynin halka lagu karantiilo dadka qaba caabuqa,sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Caafimaadka Dalka Nigeria.

Ninka la qabtay ee u dhashay dalka Talyaaniga ayey dowladdu xaqiijisay inuu yahay qofkii ugu horeeyay eel aga helo xanuunka Coronavirus-ka gudaha Nigeria,kaasi markiisi hore ka yimid magaalada Milan ee Italia,waxaana uu joogay mudo labo maalin ah kahor inta aan la qaban.

Dhacdadaan ayaa dhalisay foojignaan hor leh oo la geliyay saraakiisha caafimaadka dalka Nigeria,waxaana hadda la raadinayaa dadkii la saarnaa diyaaradda uu ku yimid qofka laga lehay cudurka,waxaana Dowladda dalkaasi ay ku dhawaaqday in la soo baaro meelah uu booqday ninkan,ka hor inta aan isbitaalka la geynin.

Dalka Talyaaniga ayaa noqday wadanka ugu daran ee uu halakeeyay caabuqa Cudurka Coronavirus ee Yurub,waxaana ninka laga helay Corona-ha uu dalka Nigeria kusoo galay diyaarad laga leeyahay wadanka Turkiga 24-kii bishan Febraayo sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Gobalka Lagos Akin Abayomi.

Shaqaalaha Caafimaadka ayaa markii dambe ku wareejiyay masuuliyiin ku taqasusay Cilmi nafsiga si ay wax uga ogaadaan xaalada ninkan ka hor inta aan lagu wareejin xarunta karantiilka magaalada Yaba ee gobalka Lagos.

Osagie Ehanire oo ah Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dalkaasi ayaa sheegay in 27-kii Febraayo uu xaqiijiyay shaybaarka Virology ee Isbitaalka Machadka Jaamacadda Lagos oo qeyb weyn ka ah shabakadda sheybaarka ee xarunta xakameynta Cudurrada ee Dalka Nigeria iyo ninka uu karantiilan yahay si wanaagsan loola tacaalayo xaaladiisa

Sidoo kale shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines kama aysan hadlin kiiska la sheegay in diyaarad laga leeyahay Turkiga ay keentay.

Ururka Caafimaadka Adduunku wuxuu sheegay in ay islamarkiiba ay khubaro u direen dalka Negeria taaso oo ay u aqoonsadeen 13-mudnaanta sara leh ee Qaaradda Africa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here