Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Jubbaland oo kulan la qaatay Hogaanka Jaamacadaha

0
62
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tegnolojiyadda Dowladda Jubbaland Mascuud Cabdullaahi Axmed oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Saacid Cabdullaahi Maxamed ayaa kulan la qaatay hoggaanka Jaamacadaha fadhigoodu yahay magaalada Kismaayo.
Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen xubno ka socday dhammaan Jaamacadaha Kismaayo ayaa looga hadlayey wadashaqaynta Wasaaradda iyo Jaamacadaha iyo sidii loo horumarin lahaa Tegnolijiyadda, gaar ahaan Ardayda barata Kulliyadda IT-ga sidi ay u heli lahaayeen adeegyo waxbarasho oo ku filan oo dhanka Tiknologyadda.
Abdirahin Deck ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here