Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Kuxigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey ee JFS

0
14

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa shalay oo Arbaco ah, ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Kuxigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane Raisedon Zenenga.

Wasiirka ayaa kala hadlay horumarka laga gaaray amniga iyo siyaasadda iyo sidoo kale iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.

Kulanka ayaa lagu faaqiday habab iyo qaab-dhismeed lagu dhisayo guddi farsamo oo isku dhaf ah oo ka kala socda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, kaasoo ka shaqeyn doona hannaanka kala guurka ee la qorsheynayo in lagu gaaro xafiiska Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.