Tababare Pep Guardiola oo ka warbixiyay xaalada dhaawac ee John Stones.

0
36

Kismaayo(Idaacadda Waamo)- Tababare Pep Guardiola ayaa ka warbixiyay dhaawaca John Stones ka dib markii uu ku dhaawacmay qeybtii hore ee kulankii Manchester City ay 3-1 kaga badisay Everton Arbacadii.

Jones Stones ayaa la badalay daqiiqadii 43-aad waxana uu u muuqdaa in uu dhaawac kale oo kuraanta ah.

Daafaca heerka caalami ee dalka England ayaa kaliya saftay sideed kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan ka dib markii uu la dhibtoonayay dhaawac sinta ah horaantii xilli ciyaareedkan.

“‘Uma eka mid wanaagsan laakiin waan arki doonaa”Guardiola ayaa u sheegay Amazon Prime ka dib guushii City ee Goodison Park “ Waxa uu ka dhaawacmay kuraanta”ayuu sii raaciyay Tababaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.