Kooxda Arsenal oo Xasuuqday Xidigaha Horyaalka MLS.

0
28

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Arsenal ayaa guusheedii ugu horaysay ka gaadhay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyaga oo xasuuqay koox ay isugu yimaadeen dhamaan xiddigaha horyaalka Maraykanka.

Kulanka ayaa ahaa mid uu Mikel Arteta shaxdiisa ugu adag ku bilowday isla markaas doonayay in uu xiddigihiisa guul ku hogaamiyo.

Arsenal ayaa ku badisay 5-0 oo ay ka caawiyeen xidigaha kala ah Gabriel Jesus ayaa goolka bilaabay daqiiqadii 5-aad, Leondro Trossard ayaa goolka 2-aad dhaliyey daqiiqadii 23-aad, xiddiga Jorginho ayaa goolka 3-aad dhaliyey daqiiqadii 47-aad wuxuuna ahaa gool rigoore ah, xiddiga Gabriel Martinelli ayaa goolka 4-aad dhaliyey daqiiqadii 84-aad, Saxiixa cusub ee Arsenal Kai Havertz ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay kadib markii uu daqiiqadii 89-aad soo taabtay shabaqada ciyaartana ka dhigay 5/0.

Waxaa sidaasi kusoo dhamaatay kulankii ay kooxda Arsenal guul weyn ka gaartay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub 2023/24.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.