Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo shaacisay tirada xoolaha la dhoofiyay sanadkaan

0
59

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Xannanada Xoolaha Xukumada Federalka Soomaaliya Xasan Xuseen Eeleey oo faah-faahin ka bixiyay tirada xoolaha sanadkaan Soomaaliya laga qaaday si loo gowraco Ciiddul-Adxaa ayaa sheegay in dalka laga dhoofiyay in ka badan 1.2 Milyan oo Neef.

Wadamada Khaliijka Carabta ayaa loo raray Xoolahaasi oo la hubiyay caafimaadkooda maadaama ka hor inta aan la daabulin laga howlgeliyay dhaqaatiir si ay u ogaadaan caafimaadkooda.

Juweeriya Xasan Axmed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.