Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Musiibooyinka Qaranka oo Kismaayo soo gaaray

0
127

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland mudane Axmed Xasan Cumar ayaa maanta magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyey wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan.

Wafigan ayaa hordhac u ah Wafuud kala duwan oo ay ka mid yihiin Raysal wasaare ku-xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Wasiirada Wasaaradaha Gargaarka Dowlad Goboleedyada dalka oo la filayo inay soo gaaraan magaalada Kismaayo oo 5-ta bishan June uu ka furmi doono Shirka Madasha Gargaarka Dalka.
Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa ka mahadceliyey sida diiran ee isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo loogu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo.
Abdirahin Deck ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.