Jose Mourinho oo Cay u miisay Garsoorihii Finalkii Europa League Xilli Uu Geerashka Gawaadhida Ku Sugay

0
90

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Macalinka kooxda AS Roma ee Jose Mourinho ayaa weerar ku qaaday garsooraha English-ka ah ee Anthony Taylor oo dhex dhexaadinayay Finalkii UEFA Europa League ee ay xalay la ciyaareen Sevilla.

Kooxda ree Spain ayaa markii toddobaad taariikhdeeda kusoo guuleysatay tartankaas kaddib markii ay rigoorayaal ku garaacday kooxda caasimada Talyaaniga ka socotay oo ay 1-1 ku kala bixi waayeen 120 daqiiqo.

Taylor ayaa lagu eedeeyay sidii uu u dhex dhexaadiyay kulankaas oo uu 13 kaadh jaale bixiyay, waa rekoodh tirada kaadhadhka ugu badan ee Final Yurub la bixiyo.

Mid kamida go’aamada uu Mourinho sida weyn uga xanaaqay ayaa ahayd in kooxdiisa Anthony Taylor u diiday wax u muuqday rigoore kaddib markii ciyaaryahan Sevilla ah ay gacanta kaga dhacday kubaddu isagoo xerada ganaaxa dhex jooga.

“Waa sharaf dhac ninoow, waa sharaf dhac” ayaa la arkayay Mourinho oo leh isagoo geerashka gawaadhida Puskas Stadium joogay kahor inta uusan arkin garsoore Taylor ee uusan odhan “F*** Off”.

Intaas kaliya kuma ekaan Jose ee waxa uu tagay baska garoonka ka qaadayay garsooraha isagoo ku yidhi “Hambalyo, waxaad tahay sharaf-dhac”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.