Erling Haaland oo Ku Guulaystay Kabta Dahabka Ah Ee Gool Dhalinta Premier League

0
87

Xiddiga Weerarka uga ciyaara Man City ee Erling Haaland ayaa ku guulaystay kabta dahabka ah ee Gooldhaliyaha horyaalka Premier League.

Haaland ayaa wacdaro dhigay horyaalka premier League xilli ciyaareedka dhamaaday isaga oo dhaliyay goolasha ugu badan.

Erling Haaland ayaa dhaliyay 36 gool oo horyaalka premier League ah xilli ciyaareedkan kadib markii uu si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedku.

Haaland ayaa 6 gool ka badan xiddiga ugu dhaw ee Harry Kane kaas oo dhaliyay 30 gool xilli ciyaareedka horyaalka premier League.

Waxa ku xiga xiddiga Ivan Toney oo dhaliyay 20 gool halka uu Mohamed Salah ku xigo isaga oo dhaliyay 19 gool premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.