Arsenal oo si buuxda u macasalaamaysay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League

0
37

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa si buuxda u macasalaamaysay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, iyadoo ka quusatay inay lasii tartami karto Man City oo toddobaadka dambe u dabbaal-degi doonta ku guuleysiga horyaalka.

Arsenal ayaa guul-darro xanuun badan oo 3-0 ah waxa u xambaarisay Brighton oo kusoo booqatay garoonka Emirates Stadium, waxaana saddexda goolba laga dhaliyey qaybtii dambe oo ay Enciso, Deniz Undav iyo Estupinan is-raaciyeen laba gool, halka Arsenal ay guul-darro qaadatay.

Gunners oo qaybtii horeba uu culaysku ku bilaabmay ayaa waxa dhaawac kaga baxay Gabriel Martinelli daqiiqaddii 20aad, waxaanay taasi fursad weyn siisay Brighton oo uu ka yaraaday weerarkii badnaa ee garabka  bidix kaga imanayay.

Gabbal baas ayaa u dumay Arsenal markii uu Enciso madax dhamaystiray kubbad uu ka helay Estupinan waxyar kaddib markii laga soo noqday nasashada, waxaana uu goolkaasi niyad-jab ku riday ciyaartoyda Arsenal oo is-dhiibay intaa ka dambeeyey.

Fursado ay heshay Arsenal ayaa waxa ka khasaariyey ciyaartoyda afka hore, halka Brighton oo kalsooni ku ciyaaraysay ay laba gool oo kale keentay xilli dhamaadku dhowyahay.

Qalad uu sameeyey goolhaye Aaron Ramsdale oo baas uu u dhiibay Leandro Trossard uu uga soo hormaray Undav ayaa Brighton ay ku heshay goolka labaad oo dhashay dhamaadka ciyaarta oo ay laba daqiiqadood ka hadhsanaayeen.

Intaas oo kaliya kuma aanay ekayn e, Brighton ayaa waxay waqtigii dheeraadka ahaa la timid gool saddexaad, waxaana kubbad uu goolhaye Ramsdale soo celiyey madax ku qabtay Estupinan oo natiijada ciyaarta ka dhigay 3-0.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.