HORDHAC: Man United v Wolves

0
103

Manchester United ayaa galabta gegida Old Trafford kusoo dhawayn doonta dhigeeda Wolverhampton Wanderers kulan wax badan ka go’aamin kara xilli ciyaareedkooda.

Man United ayaa guuldarrooyin is-xigay oo soo gaadhay kaga caawisay Liverpool inay markale ku riyooto usoo bixitaanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, Red Devils ayaa haatan kaliya hal dhibic ka sarreeya Reds oo culays badan soo saaray.

Wararka Labada Kooxood

Warka naxdinta ku ah Manchester ayaa sida uu tababare Erik Ten Hag xaqiijiyay ah dhaawaca hoggaamiyaha weerarkooda ee Marcus Rashford oo dhaawac fududi lugta kasoo gaadhay shakina ku jiro taam ahaanshihiisa kulankan.

Warka u fiian United ayaa ah soo laabashada daafacooda dhexe ee Raphael Varane oo mudo toddobaadyo ah garoomada ka maqnaa.

Dhinaca kale waxa wali kasii maqnaan doona Man United xiddigaha kala ah Tom Heaton, Phil Jones, Lisandro Martinez, Donny van de Beek iyo Scott McTominay.

Wan Bissaka ayaa la filayaa inuu Dalot kaga soo hormaro daafaca midig, Varane ayaa haddii uu toos shaxda ugu soo laabto ka garab dheeli doona Lindelof iyadoo Luke Shaw daafaca bidix loo celinayo.

Casemiro iyo Eriksen ayaa la filayaa inay markale khadka dhexe kusoo wada bilawdaan iyadoo Bruno Fernandes ka horreeyo.

Sancho iyo Antony ayay macquul tahay inay labada garab dheelaan maqnaanshaha Rashford xilli Martial No.9 ciyaarayo.

Dhinaca Wolves tababare Julen Lopetegui ayaan ku tashan doonin Chiquinho iyo Sasa Kalajdzic oo dhaawacyo jilibka ah qaba halka Boubacar Traore uusan taam buuxa u ahayn kulanka.

Shaxaha Macquulka Ah

Man United (4-2-3-1): de Gea; Wan-Bissaka, Varane, Lindelof, Shaw; Casemiro, Eriksen; Antony, Bruno Fernandes, Sancho; Martial

Wolves (4-4-2): Sa; Semedo, Dawson, Kilman, Toti; Neto, Neves, Lemina, Nunes; Costa, Cunha

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Old Trafford

Wakhtiga: 5:00 galabnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: John Brooks

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.