HORDHAC: Real Madrid v Man City

0
206

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda difaacanaysa Champions League ee Real Madrid ayaa caawa Estadio Santiago Bernabeu ku qaabilaysa dhigeeda Manchester City oo ay isla wareegan ku dishay xilli ciyaareedkii hore.

Pep Guardiola iyo xiddigihiisa oo aan wali ilaawin wixii ku dhacay iyagoo guul isa siiyay xilli ciyaareedkii hore ayaa doonaya inay soo aarsadaan oo lugta labaad Etihad Stadium la tagaan natiijo wanaagsan.

Madrid ayaa kulankan imanaysa iyadoo niyad wanaagsan haysa kaddib guushii Copa Del Rey halka Man City mudo dheerba qaab ciyaareed holac ah ku jirto guulo xidhiidh ahna soo gaadhaysay.

Wararka Labada Kooxood

Real Madrid waxa ka maqnaan doona daafaca dhexe ee muhiimka ah ee Eder Militao oo ganaax ku maqnaanaya halka daafaca bidix ee Ferland Mendy uusan wali soo kaban.

Warka ugu muhiimsan Madrid ayaa ah in Luka Modric uu diyaar u yahay inuu kusoo bilawdo shaxda asaasiga ah, Modric oo dhaawac kasoo laabtay ayaa bedel ku yimid Finalkii Copa Del Rey.

Rudiger iyo Alaba ayaa daafaca dhexe ku midoobi doona halka Camavinga markale daafaca bidix dheelayo iyadoo Carvajal xaga midig yahay.

Valverde ayaa khadka dhexe ku wehelin kara labada ruugcaddaa ee Modric iyo Kroos iyagoo kasoo hormaraya Tchouameni halka Rodrygo oo xaalad fiican ku jiraa weerarka kala dheeli doono Vinicius iyo Benzema.

Pep Guardiola ayaa dhinaciisa aan ku tashan doonin Nathan Ake oo muhiim u ahaa balse ku dhaawacmay kulankii Leeds ee Sabtidii.

Walker, Dias iyo Akanji ayaa doorka saddexda daafac dheeli kara iyadoo Stones uu khadka dhexe kala ciyaarayo Rodri.

Bernardo Silva iyo Grealish ayaa garbaha weerarka fuulaya halka Gundogan iyo De Bruyne ka dambayn doonaan Haaland.

Shaxaha Macquulka Ah

Real Madrid (4-3-3): Courtois; Carvajal, Rudiger, Alaba, Camavinga; Valverde, Kroos, Modric; Rodrygo, Benzema, Vinicius Jr.

Man City (3-4-2-1)Ederson; Walker, Dias, Akanji; Silva, Stones, Rodri, Grealish; De Bruyne, Gundogan; Haaland

Xogta Kulanka

Tartanka; Champions League

Garoonka: Santiago Bernabeu

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Artur Dias (Portugal)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.