Xiddigaha Saddexleyda ugu badan Dhaliyay 3-dii Sano ee Lasoo dhaafay oo Lasoo Saaray.

0
157

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Dhalinta saddexleyda goolasha ah ayaa ah mid adag marka la eego in in ayna jirin xiddigo dhaliya goolal saddexley ah.

Xiddiga kooxda Man City ee Haaland ayaa ah xiddiga ugu badan ee dhaliyay saddexleyda ugu badan qaarada yurub 3-dii sano ee ugu dambeeyay.

Laga soo bilaabo sanadkii 2020 ilaa haatan oo lagu jiro sanadk 2023 waxa uu Haaland dhaliyay 12 saddexley tartamada oo dhan.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Barcelona ee Lewandowski Kaas oo dhaliyay 10 saddexley tartamada oo dhan waxana ku xiga xiddiga Mbappe kaas oo dhaliyay 9 saddexley.

Ronaldo ayaa ku xiga waxana uu dhaliyay 5 gool oo saddexley ah halka xiddigaha Immobile iyo Kane dhaliyeen min 4 saddexley.

Waxa liiska ka maqan xiddiga Lionel Messi halka uu sidoo kale ka maqan yahay xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah.

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.