Daaficii Birta Ahaa Ee Liverpool Oo Isku Bedelay Xiddig No.10 Ah

0
56

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Daaficii hore ee kooxda Liverpool Martin Skrtel ayaa magac ku sameystay mudadii sannadaha aheyd inuu yahay daafac bir ah oo taakal adag sameeya islamarkaana xoog u sheegta weeraryahanada laakiin wuxuu haatan ka ciyaarayaa booska No. 10

38 jirkaan ayaa ciyaaraha ka fariistay sannadkii la soo dhaafay ka dib markii uu la dhibtooday dhaawac dhabarka ah. Wuxuu in ka badan 500 kulan u saftay kooxaha Liverpool, Zenit iyo Feberbahce ka hor inta uusan waayihiisa ciyaareed ku soo gabagabeynin kooxda Slovakia ka dhisan ee Spartak Trnava.

Si kastaba, Skrtel ayaa go’aansaday inuu garoomada dib ugu soo laabto wuxuuna ka ciyaarayaa horyaalka heerka 8aad ee wadankiisa Slovakia isagoo u safanaya kooxda Hajskala Raztocno.

Bedelkii uu ka ciyaari lahaa booskiisa daafaca dhexe ee looga bartay, Skrtel ayaa haatan doortay inuu kooxdiisa cusub uga dheelo booska No.10 ee weerarka.

“Xaqiiqdii waxaan ka ciyaaraa booska No.10” ayuu Skrtel u sheegay The Athletic.

“Markii ugu horeysay ee aan kooxda ku biiray waxaan doortay booskeyda daafaca dhexe, laakiin 10 daqiiqo markii aan dheelay waxaan tababaraha ku iri sidee u aragtaa inaan ka ciyaaro booska No.6 ee khadka dhexe, 10 daqiiqo kale ka dib waxaan ku iri ka waran haddii aan horay u dhaqaaqo.

“Kulamo dhowr ah ayaa ka dheelay booska gooldhaliyaha waxaana dhaliyay goolal qaar. Haatan dib ayaan u soo noqday, waxaan ka ciyaarayaa boos xor ah sida Lionel Messi.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.