Isku Aadka Semi-final-ka Champions League oo Lasoo bandhigey.

0
122

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Isku aadka Semi-final-ka koobka champions League ayaa soo saaray kulamo xiiso leh iyada oo kooxo waaweyn afka iska galeen.

Kadib markii la sameeyay isku aadka 8 dhamaadka tartanka waxa la raaciyay isku aadka wareega Semi-final-ka oo xigi doona.

Koox reer Italy ah ayaa la hubaa in ay iska xaadirin doonto final-ka champions League hadii ayna Benfica lama filaan qarxin oo ayna ka dhex bixin 3 kooxood oo reer Italy ah.

Dhinaca kale kooxaha ugu magac weyn tartanka ee ku hadhay ayaa isaga hor iman doona wareega Semi-final-ka hadii ay dhaafaan wareega 8 dhamaaadka tartanka.

Lugta hore ee semi-finalka ayaa la ciyaari doonaa May 9 iyo 10, halka lugta labaad la ciyaari doono 16 iyo 17 May.

Halkan Hoose kaga bogo isku aadka wareega Semi-final-ka tartanka Champions League.

Ac Milan Vs Napoli

Inter Vs Benfica

Real Madrid Vs Chelsea

Man City Vs Bayern Munich

May be an image of ‎text that says '‎QUARTER-FINALS -FINALS CHELSEA VS MANCHESTER FOOTBALL CLUB ة CITY VS CBAYERN MUNCHEN VS NK VS H 1899 N‎'‎

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.