Isk Aadka Wareega 8 Dhamaadka Iyo Semi Finalka Europe League oo Lasoo saaray

0
110

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Isku-aadka wareegyada siddeedda iyo laba-dhamaadka tartanka Europa League ayaa la sameeyey, waxaana markii saddexaad oo xidhiidh ah ay Manchester United waajihi doontaa koox reer Spain ah iyadoo tababare Erik ten Hag uu noqonayo wadka kooxaha Spain.

Red Devils oo ah kooxda sida weyn loogu saadaalinayo tartankan ayaa waxay hore usoo reebtay Barcelona iyo Real Betis, haddana waxay isku dhaceen kooxda ugu guulaha badan tartanka Europa Leauge/UEFA Cup ee Sevilla.

Juventus ayaa af-libaax gashay, waxaanay ku beegantay kooxdii soo khaarajisay Arsenal ee Sporting Lisbon oo xalay rikoodheyaal kusoo garaacday Gunners, halka AS Roma ay waajahayso kooxdii xasuuqa geysatay xalay ee Feyenoord.

Kooxda tababare Xabi Alonso ee Bayer Leverkusen ayaa waxay kala calaf-qaadi doonan kooxda Unior Saint-Gilloise ee dalka Belgium.

Halkan Hoose kaga bogo Isk Aadka Wareega 8 Dhamaadka Iyo Semi Finalka tartanka Europe League.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.