HORDHAC: Bayern v PSG

0
135

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa caawa marti ku ah gegida Allianz Arena iyadoo lugta labaad ee wareega 16-ka halkaas ku booqanaysa dhigeeda Bayern Munich.

PSG ayaa doonaysa inay guul soo laabasho ah gaadho oo kasoo kabato guuldarradii Bayern kusoo badan Paris ee 1-0 ka ahayd.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Bavaria waxa dhaawacyo kaga maqnaan doona Lucas Hernandez, Manuel Neuer, iyo Noussair Mazraoui halka Benjamin Pavard uu ganaaxan yahay.

Weeraryahanka ree Senegal ee Sadio Mane oo dhaawac kasoo laabtay ayaa kursiga keydka soo fadhiisanaya oo bedel ku iman kara.

Tababare Julian Nagelsmann ayaa la filayaa inuu shax ciyaareedka 3-4-2-1 ku ciyaaro isagoo garbaha daafac ee weerarka raacsan u adeegsan doona Coman iyo Davies taas oo ka dhigan in Joao Cancelo keydka fadhiyayo.

Josip Stanisic ayaa la filayaa inuu saddexda daafac dhexe kala mid noqdo Dayot Upamecano iyo Matthijs De Ligt halka Kimmich iyo Goretzka khadka dhexe dheelayaan.

PSG dhinaceeda waxa dhaawacyo ka qaba xiddigo muhiim ah oo ay kamid yihiin Neymar, Presnel Kimpembe iyo Renato Sanches.

Galtier ayaa la filayaa inuu isaguan shaxda saddexda daafac dhexe dheelo isagoo iska garab ciyaarsiinaya Pereira, Marquinhos iyo Ramos halka Achraf Hakimi iyo Nuno Mendes garbaha daafac ee weerarka raacsan ciyaari doonaan.

Verratti, Vitinha iyo Fabian Ruiz ayaa khadka dhexe ku midoobi kara halka ay Messi iyo Mbappe weerarka hoggaamin doonaan.

Shaxaha Macquulka Ah

Bayern (3-4-2-1): Sommer; Stanisic, Upamecano, de Ligt; Coman, Kimmich, Goretzka, Davies; Sane, Musiala; Choupo-Moting

PSG (3-5-2): Donnarumma; Pereira, Marquinhos, Ramos; Mukiele, Vitinha, Verratti, Ruiz, Mendes; Messi, Mbappe

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: Allianz Arena

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Daniele Orsato (Italy)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.