HORDHAC: Chelsea v Dortmund

0
197

Kooxda uu gadh-wadeenka ka yahay tababare Graham Potter ee Chelsea ayaa caawa gegida Stamford Bridge ku qaabilaysa dhigeeda ree Germany ee Borussia Dortmund.

Blues ayaa doonaya guul soo laabasho ah inay wareega siddeed dhammaadka Champions League ku tagaan maadaama lugtii hore ee Signal Iduna Park ka dhacday 1-0 lagaga soo adkaaday.

Horyaaladooda labada kooxood ayaa xaalado kala fog ku jira, Chelsea ayaa tobnaad ka fadhida Premier League halka BVB ay hoggaanka Bundesliga la wadaagto Bayern Munich.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Chelsea waxa ganaax kaga maqnaan doona Mason Mount halka ay dhaawacyo kala duwan qabaan Edouard Mendy, Thiago Silva, Cesar Azpilicueta, N’Golo Kante iyo Christian Pulisic.

Sidoo kale waxa aysan Chelsea kulankan ku tashan doonin Benoit Badiashile, Noni Madueke, Pierre-Emerick Aubameyang, iyo David Datro Fofana oo aan liiska xiddigaha Champions League uga qayb galaya ku jirin.

Warka u wanaagsan Potter ayaa ah in daafaca midig ee Reece James tababarka kusoo laabtay isagoo wax weyn ku kordhin kara weerarka kooxdu goolasha ku raadinayso.

Dhinaca tababare Edin Terzic waxa liiska maqnaanshaha kaga biiray Julian Ryerson oo ganaaxan waxaana intaas u dheer oo dhaawacyo qaba Gregor Kobel, Mateu Morey, Abdoulaye Kamara, Julien Duranville, Donyell Malen iyo Karim Adeyemi.

Kabtan Marco Reus, Haller iyo Brandt ayaa la filayaa inay weerarka Dortmund kusoo wada bilawdaan halka Jude Bellingham khadka dhexe kala ciyaari doono Ozcan iyo Can.

Shaxaha Macquulka Ah

Chelsea (3-4-3): Kepa; Chalobah, Koulibaly, Fofana; James, Kovacic, Fernandez, Chilwell; Sterling, Havertz, Felix

Dortmund (4-3-3): Meyer; Wolf, Sule, Schlotterbeck, Guerreiro; Ozcan, Can, Bellingham; Brandt, Haller, Reus

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: Stamford Bridge

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Danny Makkelie (Netherlands)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.