Kooxda Arsenal oo Xasuuqday Everton, Hogaanka EPL-kana sii Dheereysatay.

0
152

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Arsenal ayaa  guul  ay u qalmeen waxa ay ka gaareen Kooxda Eveton oo ay ku garaaceen afar gool iyo waxba kadib ciyaar dhan waliba ay ka wacnaayeen wiilasha uu hogaamiyo tababare Arteta.

Arsenal waxa ay nasiinada Everton ugu direen laba gool oo nadiif ah oo si wacan looga shaqeeyay waxaana goolashaasi kala dhaliyey xidigaha Saka iyo Martenelli.

Soo laabashasdii ciyaarta , Arsenal cadaadiska ayay wadeen, Everton waa is dhiibeen oo kaliya is difaacid ayay ku jireen waa ayna ka manqeyd dhinaca weerarka.

Kooxda Arsenal weerarkooda ma laheyn kala joogsi, gadaal dambe ayayna ka soo dhisayeen waxayna heleen gool sedexaad daqiiqadii 71-aad waxaana dhaliyey kabtan Odegaard.

Arsenal kulankaan waxaa ka muuqday wada shaqeyn, aragti dheer iyadoo gool afaraad ay heleen daqiiqadii 81-aad  waxaana labeystay Martinelli oo gool hore dhaliyey, ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 4 gool oo ay Arsenal ku xasuuqday kooxda Everton.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.