Hordhaca : Wolves VS Liverpool

0
153

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Liverpool ayaa marti galin doonta kooxda Wolves kulankaasi oo ka dhacaya garoonka Anfield kana tirsan kulumada horyaalka Premier League.

Kulanka: Liverpool Vs Wolves

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Liverpool ayaa kulanka soo galaysa in ay ka aarsato Wolves oo guuldaro arxan daro ah dhabarka u saartay Kulankii hore ee Premier Legaue.

Sidoo kale Liverpool ayaa doonaysa in ay sii wadato guuldaro la’aanta Premier League kulamadii ugu dambeeyay.

Liverpool ayaa badisay 18 ka mid ah 20-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay garoonkeeda kula ciyaartay kooxda Wolves.

Wolves ayaa 3-0 ku badisay kulankii lugtii hore 25 maalmood ka hor waxa ay soo afjartay 11 kulan oo guuldaro ah oo ay kala kulantay Liverpool kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Wolves ayaa laga yaabaa inay laba guul ka gaadho Liverpool premier League markii ugu horaysay tan ilaa 1950/1951.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.