Hordhaca : Man United Vs West Ham

0
225

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Man United ayaa marti galinaysa kooxda West Ham kulan ka tirsan kulumada koobka FA Cup-ka ee dalka England kaas oo ka dhici doona Garoonka Old Trafford.

Kulanka: Man United Vs West Ham

Tartanka: FA Cup

Wakhtiga: 10:45

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku guulaystay koobkii ugu horeeyay waxana ay doonayaan in ay sii wadaan wacdaraha ay dhigayaan.

Dhinaca kale West Ham oo ku jirta xilli ciyaareed adag dhinaca premier League ayaa doonaysa in ay meel fiican ka gaadho tartanka FA Cup-ka.

West Ham United ayaa badisay mid ka mid ah 20-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay banaanka ku wajahdo Manchester United tartamada oo dhan (4-bar-baro iyo 15 guuldarro),waxa ay 1-0 kaga badiyeen League Cup bishii Sebtembar 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.