Lionel Messi Oo Markii Labaad Ku Guuleystay Abaal-marinta Xiddiga Sannadka Ee FIFA The Best

0
87

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa markii saddexaad ku guuleystay abaal-marinta ciyaartoyga ugu fiican ee ay bixiso FIFA, kaddib markii uu waddankiisa u qaaday Koobka Adduunka oo muddo 36 sannadood ah ay ka qatanaayeen.

Lionel Messi ayaa codadkii ugu bdnaa helay, waxaana uu abaal-marintn ku garaacay labadii ciyaartoy ee reer France ee kula tartamayay ee Kylian Mbappe iyo Karim Benzema oo kaalmaha labaad iyo saddexaadkala galay.

Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta FIFA ee Infantino ayaa si gaar ah ugu soo kacay Lionel Messi si uu ugu dhawaaqo magaca Lionel Messi oo sababta ugu weyn ee uu u qaaday abaal-marintan ay tahay guushii Koobka Adduunka iyo wacdarihii uu ka dhigay tartankaas.

Lionel Messi ayay u tahay markii labaad ee uu qaado abaal-marinta xiddiga sannadka ee The Best.

Dhinaca kale, xiddigta Barcelona ee Alexia Putellas ayaa markii labaad oo xidhiidh ah ku guuleysatay abaal-marinta gabadha ugu fiican ciyaartoyda haweenka ee The Best.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.