Ra’isul Wasaaraha XFS oo daah-furay Imtixaanka Macalimiinta cusub

0
149

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Raiisul wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u furay imtixaanka macalimiinta cusub ee u tartamayo seddex kun oo macalin oo ay dowladda Soomaaliya qaadaneyso.

Imtixaanka waxaa ka qaybgalaya 8000 oo macallin, oo ku galaya imtixaanaadka 22 goobood oo ku kala yaala 11 magaalo oo ka tirsan dalka.

3800 oo macalimiin ah ayaa waxaa uu imtixaanka saakay uga farmay xarunta jaamacadda Umadda ee degmada Xamarweyne.

Wasaaradda waxbarashada XFS ayaa sheegtay in Gobolka Banaadir laga qaadanayo kun macalin oo ka mid ah saddexda kun ee macalin oo dalka oo dhan laga qaadanayo.

Abdirahin Deck ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.