Haweenka wax ka dhiga Iskuulaadka Baladweyne oo ka waramay Caqabaha ay la kulmaan

0
98

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Aqoontu waa sheyga qaabeeya ilbaxnimada aadanaha, macallinkuna guud ahaan waa abuurka aqoonta, waraabkeeda iyo korriimaheeda, gabdhaha macallimiint ahna kuma sii jiraan oo kaalin muhiim ah ayay bulshada ka yihiin.

Guud ahaan waxbarashada dalka waxaa aad u yar haweenka wax dhiga ee macallimiinta ah, balse sanadihii lasoo dhaafay waxaa kordhay haween badan oo ku dhiiraday inay macalimiin ka noqdaan iskuullada ku yaalla magaalada Baladweyne.

Gabdhahan ayaa inta badan dhiga dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee magaalada Baladweyne gaar ahaan kuwa ay gacanta ku heyso wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Hirshabeelle.

Juweeriya Xasan Axmed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.