HORDHAC: Aston Villa v Arsenal

0
120

Kooxda Aston Villa oo uu horkacayo tababare Unai Emery ayaa gegida Villa Park maanta ku qaabilaysa dhigeeda Arsenal oo hoggaanka horyaalka mudo dheer kaddib dhawaan lagala wareegay.

Emery ayaa isku dayi doona inuu dhibcaha ka qaato oo sii xumeeyo xaalada kooxdiisii hore oo aan mudo dhawr toddobaad ah wax guul ah arag.

Arteta ayaa dhinaciisa Arsenal kula dadaalaya inay dhibcaha qaataan oo ay ugu yaraan si kumeel-gaadh ah hoggaanka uga sii qabtaan Man City wadada guulahana kusoo laabtaan.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Unai ayaa dib u helaya daafaca dhexe ee Tyrone Mings oo shalay heshiis kordhin sameeyay wuxuuna booska kala bixi doonaa Calum Chambers.

Villa waxa ka maqnaan doona Diego Carlos iyo Jed Steer halka kulanka kahor qiimayn taam ahaanshihiisa ah lagu samayn doono Bertrand Traore.

Arsenal waxa markale maanta ka maqnaan doona khadka dhexe ee Thomas Partey oo dhaawac muruqa ah ku seegay kulankii Man City, saxafi Chris Wheatley ayaa sheegay in Arteta uusan doonayn inuu halis galiyo.

Ben White ayaa daafaca midig kusoo laaban kara kaddib qalad dilaa ah oo uu Tomiyasu ka sameeyay kulankii City halka Jorginho markale doorkii Partey ciyaari doono.

Waxa jirta fursad uu Arteta weerarka ugu soo bilaabi karo Leandro Trossard oo ka garab ciyaaraya Nketiah iyo Bukayo Saka iyadoo la nasinayo Gabriel Martinelli oo hoos u dhac ku yimid.

Shaxaha Macquulka Ah

Aston Villa (4-4-2): Martinez; Young, Konsa, Mings, Digne; Ramsey, Kamara, Luiz, Buendia; Watkins, Bailey

Arsenal (4-3-3): Ramsdale;, Ben White, Saliba, Gabriel; Zinchenko; Odegaard, Jorginho, Xhaka; Saka, Nketiah, Trossard

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Villa Park

Wakhtiga: 3:30 galabnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Simon Hooper

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.