HORDHAC: Arsenal v Man City

0
140

Kooxaha ugu sarreeya Premier League ee Arsenal iyo Man City ayaa caawa isku arkaya gegida Emirates Stadium kulan ay kooxdii badisaaba hoggaanka qabanayso.

Haatan waxa hoggaanka saddex dhibcood ku haysa Arsenal oo waliba kulan baaqi u yahay, Mikel Arteta ayaa kulankii ugu adkaa waayihiisa tababarenimo ee curdinka ah kaga hor tagaya macalinkiisii Pep Guardiola.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Arsenal waxa dhaawacyo kaga maqnaan doona Gabriel Jesus oo aan kooxdiisii hore kahor tagayn iyo Smith-Rowe balse waxa soo laabtay Reiss Nelson.

Mikel Arteta ayaan la filayn inuu bedelo shaxdii uu ku ciyaarayay badi xilli ciyaareedka taas oo ka dhigan in saxeexyada cusub ee Leandro Trossard iyo Jorginho keydka kusoo bilaaban doonaan si lamid ah Takehiro Tomiyasu.

Dhinaca Man City ciyaaryahanka kaliya ee maqnaanshihiisa la xaqiijiyay ayaa ah John Stones, weeraryahan Erling Haaland oo bedel lagu sameeyay wakhtigii nasashada ee kulankii Aston Villa ayaa diyaar ah.

Guardiola ayaa si lamid ah sidii Aston Villa uu kula ciyaaray shax saddex daafac ah dooran kara isagoo adeegsanaya Walker, Laporte iyo Ake.

Taas ayaa sahlaysa inay kusoo wada bilawdaan dhammaan Gundogan, De Bruyne, Rodri, Bernardo Silva iyo Jack Grealish.

Arsenal (4-3-3): Ramsdale; Ben White, Saliba, Gabriel Magalhaes, Zinchenko; Odegaard, Partey, Xhaka; Saka, Nketiah, Martinelli

Man City (3-2-4-1): Ederson; Walker, Laporte, Ake; Rodri, Silva; Mahrez, De Bruyne, Gundogan, Grealish; Haaland

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Emirates Stadium

Wakhtiga: 10:30 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Anthony Taylor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.