HORDHAC: PSG v Bayern Munich

0
141

Kooxaha kusoo kala guuleystay horyaalada France iyo Germany ee PSG iyo Bayern Munich ayaa lugta hore ee wareega 16-ka Champions League isku arkaya caawa gegida Parc des Princes.

PSG ayaa rajaynaysa inay xilli ciyaareedkan ku guuleysato Koobka Champions League ee ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay iyagoo doonaya inay ka badbaadaan qalbi jabkii joogtada ahaa ee ka haystay sanadihii ugu dambeeyay.

Tababare Galtier ayuu durba culays saaran yahay maadaama dhawaan laga reebay Coupe De France kulamo horyaalka ahna laga adkaaday.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

PSG ayaa heshay war farxad leh oo ah inay usoo laabteen xiddigaha muhiimka ah ee dhaawacyada ka qabay ee Lionel Messi, Marco Verratti iyo Kylian Mbappe.

Mbappe ayay macquul tahay inuu keydka kusoo bilawdo walow uu macalin Galtier sheegay inuu usoo qaatay inuu ciyaarsiiyo kulankaas.

Paris waxa ka maqnaan doona saddexleyda kala ah Nordi Mukiele, Presnel Kimpembe iyo Renato Sanches oo dhaawacyo kala geddisan qaba.

Dhinaca Bayern Munich waxa seegaya Sadio Mane, Noussair Mazraoui, Manuel Neuer iyo Lucas Hernandez halka uu shaki weyni ku jiro Ryan Gravenberch.

De Ligt iyo Upamecano ayaa la filayaa inay daafaca dhexe kusoo wada bilawdaan halka Joao Cancelo markii koowaad Champions League ku metelayo Bavaria.

Shaxaha Macquulka Ah

PSG (4-3-1-2): Donnarumma; Hakimi, Marquinhos, Ramos, Mendes; Verratti, Pereira, Ruiz; Vitinha; Messi, Neymar

Bayern Munich (4-2-3-1): Sommer; Cancelo, De Ligt, Upamecano, Davies; Goretzka, Kimmich; Sane, Musiala, Coman; Choupo-Moting

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Michael Oliver (England)

Garoonka: Parc des Princes

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.