Xiddigaha u Tartamaya Abaalmarinta FIFA ee “The Best” oo La Shaaciyay.

0
185

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Weeraryahanka xulka qaranka Argentina Lionel Messi ayaa ku jira liiska musharixiinta u taagan abaal-marinta xiddiga ugu fiican ee FIFA, waxaana kula tartamaya xiddigaha Kylian Mbappe iyo Karim Benzema.

Messi ayaa laga yaabaa inuu ku guuleysto abaalmarinta The Best ka dib markii uu Argentina ku hogaamiyay koobkoodii seddexaad ee Koobka Adduunka iyaga oo ku garaacay xulka qaranka France.

Xidiga ku guulaystay gool dhalintii koobka adduunka ee Mbappe iyo xiddiga ku guulaystay Ballon d’Or-ka ee Benzema ayaa markii ugu horaysay u tartamaya abaalmarinta.

Mbappe ayaa sidoo kale wacdaro ka dhigay final-kii koobka adduunka waxana uu dhaliyay 3 gool isaga oo isku qoray taariikhda.

Inkasta oo uu dhaawac ku seegay koobkii adduunka Benzema ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo koobka champions League kula guulaystay Real Madrid.

Xaflada abaalmarinta ayaa la qaban doonaa 27 bisha Febuary iyada oo xaflada lagu qaban doono caasimada France ee Paris

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.