Real Madrid oo ku Guuleystay Club Word Cup

0
275

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Real Madrid ayaa ku guuleysatay rikoodh markii shanaad koobka Club World Cup ka dib markii ay xasuuqeen ciyaartii finalka kooxda Al Hilal oo ay ku garaaceen 5-3.

Min labo gool ay dhaliyeen Vinicius Jr iyo Valverde iyo gool kale uu saxiixay Karim Benzema ayaa Real Madrid ka saaciday inay cashar u dhigto Al Hilal islamarkaana ay hanato Koobka Kooxaha Adduunka markii shanaad, iyadoo ah kooxda ugu guulaha badan tartanka.

Los Blancos ayaa ciyaar aad u fiican soo bandhigtay, waxayna ku qaadatay kaliya 13 daqiiqo inay hogaanka u qabtaan ciyaarta markii Benzema uu kubad u dhigay Vinicius Jr oo ku guuleystay inuu ka hoos bixiyo goolhayaha Al Hilal.

Shan daqiiqo ka dib Real Madrid ayaa dhalisay goolkeedii labaad ee ciyaarta markii karoos uu soo dhigay Modric oo ay iska bixin weysay Al Hilal uu helay Federico Valverde kaasoo shabaqa ku shubay.

Daqiiqadii 26aad Al Hilal ayaa ciyaarta ku soo noqotay iyagoo gool soo ceshaday  markii kubad dhex bixis ah loo dhiibay Marega iyadoo Rudiger uu offside-ka ka saaray, waxayna keentay inuu dabamariyo goolhaye Lunin.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay iyadoo Real Madrid ay 2-1 ku hogaamineyso.

Qeybtii labaad goolasha ayaa noqday kuwa iska soo daba dhaca marki Benzema uu dhaliyay goolkiisii seddexaad ee Real Madrid ka dib karoos uu ka helay Vinicius Jr oo ciyaartaan wacdarro dhigay.

Afar daqiiqo ka dib Real Madrid waxay dhalisay goolkeedii afaraad, waxaa mar kale shabaqa soo taabtay Federico Valverde kaasoo baas ka helay Carvajal.

Daqiiqadii 63-aad Al Hilal ayaa gool labaad oo qurux badan dhalisay ka dib baas uu soo dhigay Abdulhamid islamarkaana uu si cajiib ah u dhameystiray Vietto.

Daqiiqadii 69-aad waxaa ciyaarta hurdo u diray Vinicius Jr oo dhaliyay goolkii shanaad ee Los Blancos iyo goolkiisii labaad ee ciyaarta.

Daqiiqadii 79-aad Al Hilla waxaa gool seddexaad u soo celiyay Vietto kaasoo mar kale shabaqa soo taabtay ka dib caawin uu ka helay Michael, wuxuu ahaa goolkii ugu fiicnaa goolashii caawa.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 5-3 oo ay Real Madrid ku xasuuqday Al Hilal kuna qaaday Koobka Kooxaha Adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.