HORDHAC: Leeds v Man United

0
77

Kooxaha xifaaltanka taariikhiga ahi ka dhaxeeyo ee Man United iyo Leeds United ayaa markii labaad afar maalmood gudahood Premier League ku kulmaya, ciyaartii hore ayaa barbardhac 2-2 ah kusoo dhammaatay.

Leeds oo caydhisay tababare Jesse Marsch ayay macalimiintii sida kumeel-gaadhka ah shaqadeeda usii hayay si wanaagsan u agaasimeen kulankii Old Trafford iyagoo dhibic kasoo helay halkaas.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Leeds United waxa ka maqnaan doona Stuart Dallas, Sonny Perkins, Adam Forshaw, Archie Gray, and Rodrigo Moreno halka uu shaki ku jiro Struijk.

Dhinaca Man United waxa dedaal uu kulankan uga qayb qaadanayo ku jira Wan Bissaka oo ciyaartii hore xanuun ku seegay.

Waxa Red Devils ka maqnaan doona xiddigaha kala ah Eriksen, Van De Beek, McTominay, Martial iyo Antony oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Dalot ayay u badantahay inuu markale daafaca midig kusoo bilawdo halka Luke Shaw uu daafaca bidix kaga soo horreynayo Malacia.

Sancho ayaa lagu wadaa inuu kusoo bilawdo shaxda markii ugu horreysay bilooyin kaddib isagoo booska kala baxaya da’yarka Garnacho.

Shaxaha Macquulka Ah

Leeds United (4-2-3-1): Meslier; Ayling, Koch, Wober, Firpo; Adams, McKennie; Summerville, Aaronson, Gnonto; Bamford

Man United (4-2-3-1): de Gea; Dalot, Varane, Martinez, Shaw; Sabitzer, Fred; Sancho, Bruno Fernandes, Rashford; Weghorst

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Elland Road

Wakhtiga: 5:00 galabnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Paul Tierney

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.