Tababaraha Real Madrid oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha uu Kaga Qayb gali doono Koobka Club World Cup.

0
123

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Real Madrid ayaa Courtois ku wayday dhaawac gumaarka ah ka hor guuldaradii 1-0 ah ka soo gaartay Mallorca ee horyaalka La Liga galabnimadii Axada, halka Benzema uu dhaawac muruqa ah ka soo gaaray kulankii Valencia todobaadkii hore.

Labada dhaawac ayaan loo arkin kuwo halis ah laakiin labada xiddig ayaan ka qayb gali doono koobka kooxaha adduunka ee ka dhici doona Morocco.

Kooxda Carlo Ancelotti ayaa fiidnimada Arbacada la ciyaari doonta kooxda Al Ahly semi-finalka tartanka ka hor finalka macquulka ah ee ay habeenka sabtida la ciyaari doonaan Flamengo ama Al-Hilal.

Eder Militao ayaa sidoo kale laga saaray Liiska kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Valencia ee todobaadkii hore.

Halkna Hoose Kaga Bogo Liiska Xiddigaha Real Madrid uga qayb gali doona koobka:

Goolhayayaasha: Andriy Lunin, Luis Lopez, Canisares

Daafacyada: Dani Carvajal, David Alaba, Jesus Vallejo, Nacho, Alvaro Odriozola, Antonio Rudiger, Marvel

Khadka dhexe: Toni Kroos, Luka Modric, Eduardo Camavinga, Fede Valverde, Aurelien Tchouameni, Dani Ceballos, Mario Martin, Sergio Arribas.

Weerarka: Marco Asensio, Vinicius Junior, Rodrygo, Mariano.May be an image of ‎text that says '‎عبع 60ALKEEPERS POR EROS Lunin Luis Lópe Cañiaares MIDFIEL DERS CENTROCAMPISTAS Kroos Modrić Camauinga Ualuerde Tchouameni D. Ceballos Mario Martin Arribas DEFENDERS DEFENSAS Caruajal Alaba Uallejo nacho Odriocola Rüdiger Maruel FORWARDS/ DELANTEROS Asensio Uini Jr Rodrygo Mariano Carlo Ancelotti‎'‎

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.