Sidee Ayuu Noqon Doonaa Miiska Kala-sarraynta Horyaalka Premier League Haddii Man City Loo Diro Heerka Labaad?

0
192

Manchester City ayay suurtogal tahay in laga saaro horyaalka Premier League oo heerka labaad loo dhaadhiciyo, kaddib markii maanta uu Premier League soo saaray warbixinta baadhitaan afar sannadood socday oo lagu ogaday in ay kooxdani jabisay sharciga Premier League  ee dhinaca dhaqaalaha in ka badan 100 jeer.

Ganaaxyada miiska saaran ayay ka mid tahay in heerka labaad ee Championship loo diro iyadoo waliba dhibco laga jarayo, sidoo kalena laga qaado saddex ka mid ah horyaalladii ay ku guuleysatay iyo ganaaxyo culus oo dhaqaale iyo xayiraado suuqa ah la saaro.

Pep Guardiola ayaa haddii kooxdiisa heerka labaad loo diro waxa ku dhici doona arrin aanay xisaabteed gelin. Horyaalka heerka labaad ee Championship ayaa waxa caadiyan la dheelaa 44 ciyaarood, waxaana City iskugu xigi doona kulamo badan oo ay ciyaartooyo da’yar ah oo ismuujinaya iyo kuwo dagaallamaya oo halgan la geli doona xiddigaha waaweyn ee Man City ay ka hor iman doonaan.

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa uu isbeddel badan ku dhici doonaa, waxaana faa’iido weyn heli doonta Arsenal oo toddoba dhibcood oo nadiif ah ku qaban doonta hoggaanka iyadoo waliba haysata  ciyaar baaqi u ah.

Arsenal ayaa u dabbaal-degi doonta horyaalkeedii koowaad ee tan iyo xilli ciyaareedkii 2003/04 sababtoo ah waxa kale oo ay helayaan saddex dhibcood oo kulankii ay la ciyaari lahaayeen Manchester City wajigii hore ee horyaalka Premier League iyo xataa waxa laga yeelo kulamada hadhsanaa ee Man City ciyaari lahayd horyaalka oo laga yaabo in koox walba saddexda dhibcood loo go’aamiyey, halkaas oo mar kale ay Gunners saddex dhibcood ka heli doonto.

Manchester United ayaa sidoo kale usoo dallici doonta kaalinta labaad ee miiska kala-sarraynta iyadoo waqtigan ku jirta kaalinta saddexaad, halka Newcastle United iyo Tottenham ay iyaguna afarta sare imanayaan.

Liverpool oo ku jirta kaalinta tobnaad ayaa hal-buundo sare usoo dallici doonta oo kaalinta sagaalaad iman doonta, halka Chelsea oo sagaalaad fadhidaa ay siddeedaad usoo guuri doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.