Kooxda Real Madrid oo guul ka gaartay Kooxda Valencia ah.

0
149

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)- Kooxda Real Madrid ayaa guul raaxo 2-0 ah ka gaartay kooxda Valencia oo marti ugu aheyd garoonka Santiago Bernabeu iyagoo hogaanka horyaalka ee Barcelona ka dhigay shan dhibcood ka dib 19 kulan oo la ciyaaray.

Xidigaha Marco Asensio iyo Vinicius Jr ayaa guusha ku hogaamiyay Los Blancos oo ay ka dhaawacmeen kulankaan Karim Benzema iyo Militao ka hor kulankooda Liverpool ee Champions League halka Valencia uu casaan toos ah ka qaatay Paulista dhamaadkii ciyaarta.

M. Asensio ayaa dhaliyey goolka hore ee ciyaarta daqiiqadii 52-aad kadib caawin uu ka helay weereryahankooda K. Benzema, Labo daqiiqo kadibna goolka labaad ayaa yimi waxaana shaqaba gaaray xididga Vinicius Jr kadib caawin uu ka helay Benzema.

Madrid ayaana weerarka sii waday iyagoo abuurayay fursado ay ku raadinayeen goolka seddexaad oo ay ka mid tahay laad xor ah oo si fantastik ah looga badbaadiyay Rodrygo dhamaadkii ciyaarta.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-0 oo ay Kooxda Real Madrid ku garaacday Kooxda Valencia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.