HORDHAC: Arsenal v Man United

0
99

Kooxaha Arsenal iyo Manchester United ayaa caawa isku faro-saaraya gegida Emirates Stadium kulan ay labada dhinac ujeedooyin kala duwan leeyihiin.

Arsenal ayaa ugu horreynba doonaysa inay ka aarsato Manchester oo ah kooxda kaliya ee Premier League xilli ciyaareedka garaacday sidoo kalena hoggaanka horyaalka farqiga weyn ee ay ku hayso sii xejisato halka Red Devils doonayaan guul ay ugu dhawaadaan hoggaanka oo haatan siddeed dhibcood u jira.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Arsenal ma qabto wax dhaawacyo cusub ah, waxa kasii maqnaan doona weeraryahan Gabriel Jesus. Sidoo kale waxa dhaawac gaadhay Mohamed Elneny walow aan la hubin haddii uu kulankan maqnaanayo oo qiimayn xilli dambe ah lagu samayn doono.

Arteta ayaa la filayaa inuu ku ciyaaro isla shaxdii uu Tottenham kusoo garaacay toddobaadkii hore iyadoo Nketiah, Martinelli iyo Saka weerarka kusoo wada bilaabanayaan.

Saxeexa cusub ee Leandro Trossard ayaa kulankan diyaar u ah waxaana macquul ah inuu bedel ku yimaado qaybta dambe.

Dhinaca Man United jugta xoogan ee ku dhacday ayaa ah ganaaxa Casemiro oo shan kaadh jaale isu gaadheen halka Martial iyo Dalot dhaawac ku seegayaan kulanka.

Ten Hag ayaa dooran kara inuu markale afar khad dhexe oo kala ah Fred, McTominay, Eriksen iyo Bruno ku ciyaaro haddii kale kusoo bilaabi kara weerarka saxeexa cusub ee Wout Weghorst.

Shaxaha Macquulka Ah

Arsenal (4-2-3-1): Ramsdale; Ben White, Saliba, Gabriel, Zinchenko; Partey, Xhaka; Saka, Odegaard, Martinelli; Nketiah

Man United (4-2-3-1): de Gea; Wan-Bissaka, Varane, Martinez, Shaw; Eriksen, Fred; Antony, Bruno Fernandes, Rashford; Weghorst

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Anthony Taylor

Garoonka: Emirates Stadium

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.