HORDHAC: Liverpool v Chelsea

0
141

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Liverpool iyo Chelsea ayaa maanta ku kulmaya gegida Anfield kulan imanaya xilli ay labada kooxoodba xaalado xun ku jiraan.

Blues iyo Reds ayaa xilli ciyaareedkan lasoo dhibtooday qaab ciyaareed xumo iyo dhaawacyo badan, arrinta xiisaha leh ayaa ah inay isku dhibco yihiin oo ciyaartan si weyn ugu tartami doonaan.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Liverpool ayay dhaawacyo kaga maqnaan doonaan xiddigaha kala ah Arthur Melo, Luis Diaz, Diogo Jota, Tsimikas iyo Virgil van Dijk.

Reds waxa usoo kabtay weeraryahan Darwin Nunez oo kulamadii ugu dambeeyay dhaawac kaga maqnaa. Daafaca dhexe ayaa lagu wadaa inay Joel Matip iyo Ibrahima Konate markale kusoo wada bilawdaan.

Khadka dhexe ee Liverpool ayay kasoo wada muuqan karaan saddexda xiddig ee waaweyn ee Fabinho, Henderson iyo Thiago halka la filayo in Nunez weerarka kala dheelo Salah iyo saxeexa cusub ee Cody Gakpo.

Dhinaca Chelsea waxa dhaawacan Denis Zakaria, Reece James, Wesley Fofana, N’Golo Kante, Armando Broja, Ruben Loftus-Cheek, Ben Chilwell, Raheem Sterling, Edouard Mendy iyo Christian Pulisic halka uu ganaax ku maqnaan doono saxeexa cusub ee Joao Felix.

Saxeexyada cusub ee Chelsea ee Benoit Badiashile iyo Mykhaylo Mudryk ayaa door ku yeelan kara ciyaartan iyadoo waliba Badiashile ay u badantahay inuu kusoo bilawdo shaxda.

Ziyech, Mount iyo Havertz ayaa lagu wadaa inay markale weerarka Chelsea ka wada ciyaaraan iyadoo Gallagher dhexda kala dheelayo Jorginho iyo Kovacic.

Shaxaha Macquulka Ah

 

Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Konate, Robertson; Henderson, Fabinho, Thiago; Salah, Nunez, Gakpo

 

Chelsea (4-2-3-1): Kepa; Azpilicueta, Silva, Badiashile, Cucurrella; Jorginho,Gallagher Kovacic; Ziyech, Mount; Havertz

 

Xogta Kulanka

 

Tartanka: Premier League

 

Garoonka: Anfield

 

Wakhtiga: 3:30 habeenimo xilliga geeska Africa

 

Garsoore: Michael Oliver

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.