HORDHAC: Man City v Tottenham

0
104

Manchester City oo doonaysa inay si kumeel-gaadh ah usoo yarayso farqiga dhibcaha ay Arsenal hoggaanka kaga hayso ayaa caawa qaabilaysa dhigeeda Tottenham.

City ayaa kulankan imanaysa kaddib guuldarro 2-1 ah oo Sabtidii kasoo gaadhay Man United halka Tottenham soo galayso ciyaarta kaddib markii Arsenal 2-0 kusoo garaacday.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Ruben Dias iyo John Stones ayaa markale labaduba ka maqnaanaya City balse warka wanaagsan ayaa ah inay tababarka kusoo wada laabteen.

Aymeric Laporte ayaa daafaca dhexe kula soo bilaaban kara Akanji iyadoo Rico Lewis daafaca midig kusoo noqon karo shaxda Pep Guardiola.

Gundogan ayaa Rodri iyo De Bruyne dhexda kala dheeli kara haddii uu Guardiola doorto inuu Bernardo Silva garab geeyo amaba fadhiisiyo.

Dhinaca Tottenham waxa usoo laabtay oo diyaar ah khadka dhexe ee Rodrigo Bentancur taas oo ka dhigan in Lucas Moura yahay xiddiga kaliya ee Spurs ka maqan.

Bentacur ayaa khadka dhexe kala dheeli kara Hojbjerg halka Ivan Perisic daafaca bidix ciyaari karo isagoo Sessegnon booska kala baxaya.

Shaxaha Macquulka Ah

Man City (4-3-3): Ederson; Lewis, Akanji, Laporte, Cancelo; Gundogan, Rodri, De Bruyne; Silva, Haaland, Grealish

Tottenham (3-4-3): Lloris; Romero, Dier, Davies; Doherty, Hojbjerg, Bentancur, Perisic; Kulusevski, Kane, Son

Xogaha kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Etihad Stadium

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Simon Hooper

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.