Lionel Messi oo Ku Guuleystay Abaal-marin Kale oo Cajiib ah & booskii uu Ka Ciyaari Jiray oo Laga beddelayo

0
23

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Lionel Messi ayaa ku guuleystay abaal-marin kale oo cajiib ah sannadka 2022, iyadoo uu hore usoo qaatay xiddigii ugu fiicnaa Koobkii Adduunka ee Qatar oo uu xulka qarankiisa kula guuleystay abaal-marintan.

Xiddiga reer Argentina aya sannadkii dhamaaday ee 2022 uu u ahaa mid aad u wanaagsan oo uu rumeeyey hammigiisii ugu weynaa ee ahaa inuu dalkiisa u qaado Koobka Adduunka, maadaama uu koob walba oo suurtogal ahaa hore usoo qaaday, sidoo kalena uu toddoba jeer ku guuleystay abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or.

Messi ayaa ku guuleystay abaal-marinta kubbad-sameeyihii ugu wnaagsanaa sannadkii 2022, kaddib markii uu 30 gool caawiyey isla markaana dhiibay 102 kubbadood oo halis ahaa oo uu goolka hortiisa dhigay oo qaarkoodna goolal noqdeen kuwo kalena xigteen.

35 jirkan ayaa helay 170 cod oo loogu doortay kubbad-sameeyihii ugu fiicnaa, waxaana ku xigay Luka Modric oo 115 cod helay, balse waligii kubbad-sameeyaha Real Madrid kuma aanu guuleysanin abaal-marintan.

Kevin de Bruyne, Bernardo Silva, Bruno Fernandes iyo Antoine Griezmann ayaa dhamaantood ka mid noqday lixda ciyaartoy ee ugu codadka badan ee uu Lionel Messi ku garaacay abaal-marinta Kubbad-sameeyihii sannadka 2022.

Waa markii shanaad ee uu Lionel Messi ku guuleysto abaal-marintan, waxaana uu dhaafay tababaraha Barcelona ee Xavi Hernandez oo xilligii uu u ciyaarayay Barca iyo xulka Spain afar jeer noqday kubbad-sameeyaha ugu wanaagsan sannadka. Andres Iniesta iyo Kevin de Bruyne ayaa iyaguna min laba jeer ku guuleystay.

Dhinaca kale, Lionel Messi ayaa la sheegay in hadda uu ka fiirsanayo inuu beddelo booska uu ka ciyaaro oo uu kaliya isku koobo kubbad-sameeye, halka uu marar badan qayb ka noqdo weerarka kooxdiisa PSG.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.