Wafti uu hoggaminayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka Jubbaland oo gaaray qaar ka mid ah Jasiiradaha gobolka Jubbada hoose

0
113
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wafti uu hoggaminayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Jubbaland Mudane Maxamed Cismaan Jaamac ayaa maanta gaaray qaar ka mid ah Jasiiradaha gobolka Jubbada hoose, halkaasoo ay gaarsiiyeen deeq raashiin ah.
Waftigan ayaa waxaa qayb ka ah Gudoomiyaha degmada Badhaahdhe Maxamuud Ibraahim Faarax, ku-xigeenka degmadaas Yuusuf Maxamed Kawnayn iyo masuuliyiin kale.
Waftigaan oo isku sii maray Jasiiradaha Juwaay, Juula, Madhawo, Kudhaa, Buurgaabo iyo Raaskaambooni ayuu qorshahoodu yahay inay qeybiyaan deeq raashiin ah oo ay wadeen, deeqdaas oo ka timid dowladda Imaaraatka Carabta.
Deeqdan oo la gaarsiinayo ilaa 4,000 Qoys oo ka mid ah dadka ay abaraha samayeen ee Degmada Badhaadhe iyo deegaanada hoos yimaada ayaa kusoo aaday xili dadka deegaanka ay aad ugu baahnaayeen.
May be an image of 4 people, people standing, body of water and skyMay be an image of 3 people, people sitting, people standing and outdoorsMay be an image of 4 people, people standing and body of waterMay be an image of 4 people, people standing and body of waterMay be an image of 2 people and body of water

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.